This is an icon list item
This is an icon list item
This is an icon list item
This is an icon list item
This is an icon list item
This is an icon list item
Waanu soo koobnay waqtiga sugitaanka natiijada baadhista, taasoo dedjinaysa daryeelkaaga caafimaad oo dhimaysa kharashka safarka usoo laabashada natiijada
Tayada sawirka koowaad oo xumaataa waxay kalifaysaa in dhakhtarkaagu dalbado sawir labaad, taasoo sababaysa shucaac dheeraad ah iyo kharash labaad. Shaqada ayaanu iska saxnaa marka koowaad
Xogta natiijada iyo sawirrada iskaanka waanu kaydinnaa hadiiba ay dhacdo inaad lumiso filimadaada ama warbixinta natiijada baadhista.
Si loo helo natiijo sax ah waxa filimadaada kumbuyuuarka turjuma xirfadlayaal shucaaca takhasus u leh oo keliya
Si loo helo sawirro muuqaal nadiif ah oo aan muhmal ku jirin waxaanu isticmaalnaa qalab iskaan oo casri ah
Si aad u hesho daryeel caafimaad oo degdeg ah, waxaanu isla markaba dhakhtarkaaga la wadaagaynaa natiijada kumbuyuutarka
CT scan
Caadi ahaan waxaa loo isticmaalaa in lagu aqoonsado jabka, dhibaatooyinka lafaha iyo murqaha. Wuxuu muujiyaa meesha buro, caabuq, ama xinjirowga dhiigga ay ku yaalliin, iyo sidoo kale cudurrada kansarka, wadnaha, qanjidhada sambabada, iyo burooyinka beerka
Ultrasonography
Ultrasound-ka oo sidoo kale loo yaqaanno sonografi, waa hab sawireed oo adeegsada hirarka dhawaaqa si ay u soo saaraan sawirrada qaab-dhismeedka jirkaaga. Sawiradu waxay ku siin karaan macluumaad qiimo leh oo lagu ogaanayo laguna hagayo daaweynta cudurro iyo xaalado kala duwan, sida uur-kujirta, ilma galeenka, kala-goysyada, iwm
Radiography
Raajooyinka waxaa loo isticmaali karaa in lagu baaro inta badan qaybaha jirka. Waxaa inta badan loo isticmaalaa in lagu eego lafaha iyo kala-goysyada, inkastoo mararka qaarkood loo isticmaalo in lagu ogaado dhibaatooyinka saameeya unugyada jilicsan, sida xubnaha gudaha, sida sambabada, caloosha, IWM
Si loo yareeyo wakhtiga sugitaanka, na soo wac oo ballan qabso. Haddii ay tani tahay xaalad degdeg ah waxaad iman kartaa xarunta 24 saacadood
Waxaanu la shaqaynaa ambalaasyada dalka, waxaanu kugu xidhaynaa midka kuugu dhow, kaasoo xarunta HIIL kuu keeni doona sida ugu dhakhsaha badan
Si aan daryeelkaaga caafimaad u daahin, waxaanu degdeg kuu siinaynaa filimadaada iyo natiijadooda
Tayada sawirka koombuyuutarka oo liidata ama natiijada baadhista oo dib loo dhigaa waxay keenaysaa in natiijadii dhakhtarka ee arrintaada caafimaad iyo wakhtiga daawaynta lagama maarmaanka ahiba ay dib u dhacaan
Xarunta baadhista koombiyuutarka ee HIIL waxay u heellantahay in ay 24 saacadoodba kuu siiso sawirro koombuyuutar oo nadiif ah iyo warbixinno degdeg ah
si uu dhakhtarkaagu si dhakhso ah go'aan uga gaadho natiijada arrintaada caafimaad iyo habka daaweynta ee ku habboon
Warqad dhakhtar ku soo dalbaday CT scan. Hadii aad keento warqad dhakhtar qoray oo qeexaysa nooca baadhista iyo meesha lagaa saarayo iskaanka CT scan waa lagu saarayaa, jawaabtaadana si degdeg ah ayaad u helaysaa, adiga oo aan u soo laabanin
Waa mashiinka ugu horrayn loo isticmaalo ujeedooyinka ogaanshaha cudurrada iyo dhaawacyada, waxana loo isticmaalaa baadhitaanka cudurrada, balse waxba isaga laguma daweeyo
Wuxuu soo saaraa sawirro degdeg ah oo fududeeya baadhista iyo ogaanshaha, taasina waa sababta CT-SCAN ka loo isticmaalo kolka shil ama dhaawac yimaado
Muddada uu kumbuyuutarkani sawirka samaynayaa waxay qaadataa wakhti yar, taas oo yaraysa shucaaca qofka soo gaadhaya
Inta badan CT scans waxaa lagu sameeyaa ilbiriqsiyo gudahood, inkastoo ay qaadan karto 10 daqiiqo ama ka badan in ilmaha caruurta ah si sax ah loo dhigo kumbuyuutarka dhexdiisa kolka la baadhayo
Jawaabta CT SCAN ka ayaa qaadan karta 30 daqiiqo ilaa 1 saac, iyadoo ay ku xidhantahay nooca cudurka ama dhaawaca ee la baadhayo